U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabelle: Si Degdeg Ah Haloo Joojiyo Colaadda Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi cosoble ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaal beeleedyo kasoo cusboonaadey deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in marnaba aaney ogolaan doonin in ay soo noq noqdaan colaadaha noocaan oo kale ah, isaga oo tilmaamay in ka maamul ahaan qorshe uga deggan yahay.

“Si deg deg haloo joojiyo colaadaasi, waxaana odayaasha, Culuma’udiinka,iyo qeybaha kale duwan ee beelahaasi walaalaha ugu baaqayaa in nabadda ay qaataan oo ay ka hortagaan in mar kale dhiig u ku daato halkaasi, marna ogolaan meyno colaadaha noocaan oo kale ah in ay soo noq noqdaan qorshe ayaana nooga degan sidii looga hortagi lahaa colaadaha noocaan oo kale ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Dhanka kale, madaxweyne Cosoble ayaa soo hadal qaaddey wasiiradii dhowaan uu soo magacaabay, waxaana uu ugu baaqay baarlamaanka maamulkaasi iney meelmariyaan, isaga oo sheegay in beelaha aan helin kuraasta wasiirada iyaguna xilal kale ay heli doonaan.

“Sax Ma aha Xildhibaanka haddii uusan noqon wasiir in uu ka soo horjeesto Xukuumadani, Xildhibaanno mudnaa Wasiiro iyo Wasiir ku xigeenno in ay helaan way jiraan oo waxaan u hambeynay in shaqada baarlamaanka ay sii wadaan oo ay hogaamiyaan Gudiyada joogtada ee Baarlamaanka, Beesha aan helin wasiiro laakiin waxay heli doonaan Jagooyin kale sida Agaasima guud suura galna ma aha in cid kastaa wasiir laga dhigaa, Shaqo abuur ayaan sameyn doonaa insha’allah, Maamulkani waa mid cusub hala taageero oo hala garab galo oo aan taageerno waxqabadka muuqda yeynan ku mashquulin in wax la naqdiyo” ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxweynaha.

Deegaanno hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha dhexe waxaa ka dhacay dagaal beeleed u dhaxeeya beello walaalo ah oo halkaasi wada dega, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare kala duwan.

Goobjoog News