U bood dhigaalka

Madaxweynaha International Crisis Group Oo Goobjoog Uga Warramay Xalka Saameynta Xiisadda Khaliijka Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Rob Malley oo ah hoggaamiyaha sare(CEO)  iyo madaxweynaha International crisis Group ayaa caasimadda Muqdisho u yimid uruurinta xog iyo aragti-isweydaarsi la xiriira Soomaaliya iyo xasaradda Khaliijka iyo sida xal loogu heli karo khatarta.

Kulan ay fududeeyeen mas’uuliyiinta  Machadka Heritage kadib ayuu Rob Malley si gaar ah ugu warramay Goobjoog News, isaga oo marka hore ka sheekeeyay sababta uu u yimid Soomaaliya.

“Waxaan halkan u nimmid inaan qiimeyno xaaladda, wax ka qorno, aniga oo madaxweynaha ah iyo koox kale oo Soomaaliya muddo dheer ka shaqeynayey…ujeedkeenna waa inaan qiimeyno xaaladda gudaha gaar ahaan saameynta xiisadda ka jirta Khaliijka, sida looga dareemay ama u saameysay Soomaaliya iyo in laga hortago inta aaney xaaladda ka sii darin, aniga oo rajeynaya in la xalliyo”.

Madaxweynaha International crisis Group Rob Malley ayaan sidoo kale weydiiney warbixintooda kooxda ay la wadaagayaan iyo cidda ay tahay in ay qaadato isaga oo ku jawaabay “Ujeedkeennu waa in aan la hadalno qeynaha kala duwan, haddii ay halkan Soomaaliya joogaan ama Khaliijka iyo in aan soo saarno xal la taaban karo oo aan hordhigno maamulka halkan ka jiro, midka Abu Dhabi, Doxa iyo Washington, waxaan rajeynayaa in xalka qeyb ka noqoto iyo in ay fikradaha aan siinno ay go’aan ku qaataan”.

Waa Kuma Rob Malley:

Rob Malley waa hoggaamiyaha sare(CEO iyo madaxweynaha International crisis Group, waxaa uu horay uga soo shaqeeyay maamulkii Obama, isaga oo aqlka cad ka soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Kaaliye khaas ah ee madaxweynaha iyo la-taliye sare ee madaxweyne Obama ee ka hortagga Daacish, waxaa kale uu noqday isku-duwaha aqalka cad ee arrimaha bariga dhexe, waqooyiga Afrika iyo Khaliijka.

Horay waxaa uu Clinton ugu ahaa kaaliyaha khaaska ah ee Carabta iyo Isra’il iyo weliba agaasimaha bariga dhexe iyo koonfurta Aasiya ee golaha amniga qaranka ee aqalka cad.

Aqoontiisa waa sharciga isaga oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Yale, Harvard Law School iyo Oxford waxaa uu buug ka qoray Algeria.

Goobjoog News