U bood dhigaalka

Madaxweynaha: ‘’ isku dhafka ciidammada waa ajenda qaran’’

Sheeko:Dalka

Muqdisho, 12 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey hawlaha guddiga cusub ee isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in talaabada isku dhafka ciidammada qaranka ay muhiim u tahay horumarinta awoodda iyo tayada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo weliba gaarista hadafyada dib u dhiska hay’adaha dowliga, gaar xaqiijinta Soomaaliyada cusub oo ku dhisan nidaamka federaalka.

‘’Muddo 25 sanno kadib waxaan maanta goobjoog u nahay maalin taariikhi ah. Daah-furka hawlaha guddiga isku dhafka ciidammada waxaa uu muhiim u yahay dib u dhiska nidaamka sharciga, soo celinta kalsoonidii luntey ee bulshadeena iyo inaan horey u sii dhaqaaqno, una dhisano mustaqbal ka wanaagsan kii hore ee ina soo marey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay jiraan arrimo kale oo muhiim u ah dib u dhiska iyo mideynta dalka, balse tallaabadan isku dhafka ciidammada ay tahay midda ugu muhiimsan ee keeni karta in horey loo sii dhaqaaqo, gacanna ka geysan karta dhaqangelinta Hiigsiga 2016.

‘’Hiigsiga 2016 iyo Barnaamijka (Somali Compact), oo ay anxisisey Dowlada Federaalka Soomaaliya 2013, waxaa si cad ugu qeexan talaabooyin muhiim u ah in horumar laga sameeyo dhinacyada amniga iyo siyaasadda Soomaaliya. Kulamo badan oo aan horey u qabaneyna waxaan ku muujiney muhimadda ah in ciidanka la isku dhafo, waxaana maanta ina horfadhiya guddigii aan dhammaanteen u saarney inay hawshaasi qabtaan, waana filayaa inay si habsami leh hawshooda u qaban doonaan”.

Madaxweynaha ayaa guddiga kula dardaarmey in fursadda ay heleen ay si wanaagsan ugu faa’ideyaan shacabka

‘’Xubnaha guddiga waxaan u sheegayaa in ay haystaan fursad ay Soomaaliya taariikh wanaagsan uga tagaan. Shacab muddo dheer colaad uu ka dhexeeyay ayaa la idinka doonayaa inaad dib u mideysaan. Shacabkana waxaan u sheegayaa inay iska iloobaan taariikhdii mugdiga ahaa ee ina soo dhaafey, ayna is cafiyaan. Kuwa inoogu geesisan ma ahan kuwa weli ku mashquulsan wixii la soo dhaafey, balse waa kuwa ka shaqeynayaa inaaney mar dambe waddankeena uga dhicin falalkii xanuunka badnaa ee ina soo dhaafey’’.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Britain oo gacan weyn ka geysatey hirgelinta barnaamijkan, iyo weliba ciidammada AMISOM iyo dalalka beesha caalamka oo mar walba taageero la garab taagan Soomaaliya.
Guddiga Isku Dhafka Ciidammada oo ah guddi heer qaran ah, ayaa waxaa ansixiyey Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana madax u ah Mudane Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga.

Munaasabadda waxaa kale oo ka hadley Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Gaashaandhigga S/Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka S/Guuto Daahir Aadan Cilmi. Waxaa munaasabadda ka soo qeybgaley diblomaasiyiin shisheeye, xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale