U bood dhigaalka

Madaxweynaha Israel Oo Booqasho Ku Imaanaya Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin ayaa markii ugu horreysay booqanaya dalka Itoobiya, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha Itoobiaya booqashada ayaa ka bilaabaneysa 30 April-3May.

Idaacadda Fana ee gudaha Itoobiya ayaa sheegtay in booqashada  Rivlin ay timid ka dib markii dhiggiisa Itoobiya Mulato Teshome uu ka helay casuumaad rasmi ah.

Idaacadda Itoobiya waxaa ay intaas ku dartay in Rivlin uu la kulmi doono inta uu ku guda jiro booqashadiisa madaxweyne Mulato Teshome iyo ra’iisulwasaare Abiy Axmed, sidoo kale waxaa uu ka qeyb-gali doonaan shir loo qabanayo ganacsatada Itoobiya iyo kuwa Israel.

Booqashada Rivlin ee Itoobiya ayaa ah mid Taariikhi ah, waana tii ugu horreysay uu ku tago tan iyo markii uu qabtay jagada madaxweynanimo sanadii 2014-kii.

Goobjoog News