U bood dhigaalka

Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo si isku mid ah u Cambaareeyay Xasuuqii Mandhera

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab sheegatay ee lagu qaaday dad ka shaqeynayay god kaawada laga qodo ee deegaanka Mandhera.

War-saxaafadeed ka soo baxy xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xasan Sheekh ka tacsiyaynayo dhacdadii xalay saqdii dhexe lagu dilay dad gaaraya 36 shaqaale ah.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaalida iyo Kenyaanka ay ka mideysanyihiin cambaareynta falkaas ka dhacay Mandhera.

Dhinaca kale, War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Markale waxaan u damqanayaa qoysaskii, saaxiibadii iyo asaxaabtii lagu dilay magaalada Mandera Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya” .

Isagoo tacsi u diray eheladii dadkii halkaas lagu laayey, Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka go’an in ay xoojiyaan la dagaalanka argagixisada, badbaadinta nolosha muwaadiniinta, isla markaana aan ahmiyad koowaad iska saarno arrintan, waxaan ciidamada milateriga iyo saraakiisha hay’adaha amniga ku boorinayaa in ay sameeyaan howlgallo lagula ka dhan ah argagixisada, si meesha looga saaro dhibaatada lagu hayo shacabka labada dal”.