U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jabuuti Oo Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, iyadoo ammaanka magaaladana aad loo adkeeyey.

Wararku waxay sheegayaan in sababta uu madaxweyne Geelle u imaanayo magaalada Muqdisho ay tahay ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Geelle oo booqashadiisa Labo cisho qaadan doonto ayaa waxa uu tagi doonaa magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidan ka socda dalkiisa oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiidka dadweynaha loo doodayo iney isticmaalaan waddooyinka qaar.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News