U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jabuuti Oo Maanta Booqasho Ku Tagayo Paris

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle  ayaa  maanta lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Paris ee caasimadda waddanka France ,ka dib martiqaad uu ka helay dhiggisa madaxweynaha faransiiska.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa madaxweynaha dalka franciiska waxa uu kala hadli doonaa xiriirka Babo geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dal iyo arrimaha ku saabsan gobolka geeska Africa.

Wasiirka maaliyadda iyo ganacsiga waddanka Jabuuti , Ilyaas Muuse ayaa sheegay inay  booqashadaan ay tahay  marti qaad uu ka helay dhiggiisa madaxweynaha dalka faranciiska.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in labada madaxweyne ay isla gorfeyn doonaan xiriirka ka dhaxeeya labada dal arrimaha geeska Africa, ammaanka  badda cas, iyo arrimo  kale oo ku saabsan dhanka caalamiga ah.

Wasiirka maaliyadda iyo ganacsiga Ilyaas Muuse  ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan xiriiro adag oo taariikhiya  oo ka dhaxeeya Djibuuti iyo franciiska, isagoo tilmaamay in booqashadaan ay  qeyb ka qaadanayso  inuu sii xoogeysto xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal.

Dowladda Jabuuti ayaa waxay kaalin muhiim ah ay ka qaadatay arrimaha geeska Africa, amniga badda cas, xaaladaha ku saabsan Yeman,  iyo la dagaalanka burcad badeedka.

Ilo diplomaasiyadeed ayaa waxay sheegayaan  in marti qaadka uu u fidiyay madaxweynaha franciiska dhiggiisa Djibuuti, ay qeyb ka qaadanayso soo nooleynta kaalintii uu ku lahaa franciiska Djibuuti kaasoo sanadihii ugu dambeeyay ka maqnaa Djibuuti, waxayna ku soo aadeysaa booqashadaan xilli ay wadamada China iyo Maraykanka ay xiriir ganacsi oo weyn ay la yeesheen Djibuuti.

Magaalada Jabuuti ee caasimadda waddanka Djibuuti waxaa ku yaallo  saldhigyo milatari oo uu leeyahay Franciiska , kuwaas oo laga dhisay  boqol sano ka hor waxayna ahayd xilligii uu franciiska uu gumaysan jiray Jabuuti .

Jabuuti ayaa waxay ku taalaa meel muhiim ah oo istiraatiiji ah, iyadoo  saaran xeebta galbeed ee kanaalka Baabul-mandab,kaasi oo isku xira badda cas iyo badda carbeed, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay Albaabka ganacsi ee dowladaha  bariga Africa.

W/Q: Jaamac Shidane