U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jabuuti Oo Ugu Baaqay Wadamada Caalamka Inay La Dagaallamaan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle oo ka qeybgalay kulan gaar ah oo looga hadlay arrimaha waxa loogu yeero argagaxisada ayaa sheegay in dhammaan wadama caalamka ee daneeya ciribtirka Argagaxisada laga doonayo in kaalin weyn ay ka qaataan la dagaalanka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in Xarakada Al-shabaab ay weli meello ka mid ah Soomaaliya ku sugan yihiin, hase ahaatee lagu guuleystan in gobalo badan laga saaro.

Inta hartay ayuu sheegay Madaxweyne Gelle inay tahay mid u baahan in la’iska kaashado.

“Al-shabaab meello badan oo Soomaaliya ayaa laga saaray, waa in la caawiyaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, meelaha ay ku hareen ma ahan meello sidaa u badan” ayuu yiri Geelle.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya, waxaana ciidamada dalkaasi uu soo diray ay ka howlgalaan gobalada dhexe ee dalka.

Goobjoog News