U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Djibouti

Sheeko:Caalamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada ayaa uga mahad celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geello oo bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Khawaarijta ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadidoonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaato kooxaha argagixisada ah ee caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka.
Kulanka labada madaxweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dalkaas ay ku wada sugan yihiin madaxda Soomaaliya iyo Somaliland Xasan Shiikh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay yeelan doonaan kulan ay isku arkayaan labada dhinac, oo muddooyinkaan hakad uu galay wadahadalladii u socday.
Goobjoog News