U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS Oo Shaqo-maalmeedkiisa U Wareejiyey Xafiiska Uu Ku Leeyahay Wasaaradda Gaashaandhigga

Sheeko:Dalka

Sida ay qortay Wakaaladda SONNA, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa shaqo maalmeedkiisa u wareejiyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne  Farmaajo  ayaa maanta tagey  xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Wadaaradda Gaashaadhigga.

Ujeedada ayaa ah sidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu u dhiirrigelin lahaa dardar-gelinta howlgallada milatari ee ka dhanka ah xarakada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa horey xafiis uga furtay xarunta Wasaaradda Difaaca Dalka, halkaasi oo dhowr jeer uu ku gutay shaqo-maalmeedkiisa, waxaana tani ay qayb ka tahay dadaallo lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u dareemaan in ay haystaan taageerada madaxda Dowladda.

Goobjoog News