U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdi Ka Socda UN-ka oo Ku Kulmay

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wakiilka hay’ada UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef iyo wafdi ay hogaaminayso oo booqasho ku timid Jubaland.
Madaxweynaha iyo wakiilka UNICEF ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah iyo gurmadka saamaynta ka dhalata sidii si wadajir ah la isaga kaashan lahaa, xilligaan adag oo dadka reer Jubbaland ay wajahayaan abaarta.
Madaxweynaha ayaa warbixin guud siiyay hey’adda ee ku aadan xilligaan adag iyo sida dadka ay ugu baahan yihiin helidda gurmad caalami ah oo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah oo ay ka mid tahay Abaarta oo in badan dadku ay wajahaan iyo sidii wadajir la isaga kaashan lahaa.
Deegaannada Jubbaland ayaa waxaa ay kamid tahay deegaannada ugu ballaaran ee aad saameynta abaaraha laga dareemay, waxaana maalinba maalinta ka damabaysa sii kordhaysa xaaladda adag ee ay wajahayaan dadka, kuwaas oo ku xoolo beelay abaarta ku dhafatay dalka.
Goobjoog News