U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland Oo Gaaray Garowe

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Labadiisa Guddoomiye ku-xigeen Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan, Haweenka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Halkan Ka Eeg Sawiradda Axmed Madoobe Oo Gaaray Garowe

Goobjoog News