U bood dhigaalka

Wasiirada Jubbaland Qaarkood Oo La’isku Shaandheeyay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isku Shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, waxaana qaarkood look ala wareejiyay xilalka ay kala hayeen wasiirada.

Isku shaandheynta ayaa lagu sameeyay wasaaradaha kala ah wasaaradda gaadiidka iyo warfaafinta, macdanta iyo biyaha, maaliyadda.

Maxamed Aw Yuusuf, waxaa loo wareejiyay wasaaradda Macdanta iyo biyaha, waxaana uu ahaa wasiirkii Maaliyadda.

Cabdinuur Cali Aadan waxa uu ahaa wasiirkii Macdanta iyo Biyaha Jubbaland, waxaana loo bedalay wasaaradda gaadiidka iyo warfaafinta.

Wasiirkii Warfaafinta Ibraahim Baajuun waxaa isna loo bedalay wasiirka maaliyadda Jubbaland.

Waa markii ugu horeysay oo isku shaandheyn sidaan oo kale ah lagu sameeyo golaha wasiirada Jubbaland tan iyo markii la magacaabay golahaasi.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada