U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland Oo Maanta La Dooranayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa maanta lagu wadaa in lagu doorto madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Waxaa xilkan ku tartami doona Afar musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha xil hayntiisa dhammaatay ee Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Xubnaha tartami doona ayaa kala ah:

1: Axmed Maxamed Islaam

2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow)

3: Musharax Maxamed Cumar Geedi

4:  Canab Maxamed Daahir

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana guud ahaan magaalada lagu soo daadiyey ciidamo badan oo amniga xaqiijinaya.

Gaadiidka dadweynaha ayaa hakad ku jira, waxaana yar dhaq-dhaqaaqa ka jira magaalada Kismaayo, waxaa socota qaban-qaabadii ugu dambeysay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News