U bood dhigaalka

Madaxweynaha K/Galbeed Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Degmada Xudur

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uu joogay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool xariga ka jaray Mashaariic Kala Duwan oo ay kamid yihiin, Wadooyin oo dhismahooda mudo socday, waxaana dhismaha Wadooyinka iska kaashtat JPLG iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen wuxuu dhagax dhigey dhismaha MCH cusub iyo Dhismaha Wado muhiim u ah isku socodka Shacabka iyo Gaadiidka oo gaareysa 1.5KM qeyb weyna ka qaadaneysa horumarinta deegaanka.

Madaxweynaha iyo qaar kamid ah Golihiisa wasiirada Koonfur Galbeed ayaa shacabka magaalada Xudur kula dardaarmay iney ka shaqeeyaan sidii deegaanka loo horumarin lahaa lana shaqeeyaan maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirada Wasaaradaha Howlaha guud iyo Guryeynta iyo Maaliyadda KGS oo qeyb ka ahaa Wafdiga Madaxweynaha, islamarkaasina madaxweynaha Koonfur Galbeed ku wehlinaayey Xarig ka jarista Mashaariicda ayaa ka hadley Muhiimada ay u leedahey dadka deegaanka iyo sidoo kale Kaalinta wasaaradahooda ee horumarinta Gobalka Bakool.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa muhiimada mashaariicdaan qaarkood xariga uu ka jiray halka kuwo kale uu dhagax dhigay ku tilmaamay mid loogu talagalay iney shacabka degmada Xudur ka faa’ideystaan,wuxuuna u balan qaaday iney karaankooda ka hagran doonin shacabka.

Goobjoog News