U bood dhigaalka

Madaxweynaha KG&Wasiir Fowsiyo Maxamed Sheekh Oo Si Wadajir ah Xarigga uga Jaray Xarunta Cusub Ee Wasaaradda Tamarta Ee KG

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlada Goboloeedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicaziiz Laftagareen iyo Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha DFS Fowziyo Maxamed Sheekh ayaa siwadajir ah Xariga Uga Jarey Xarunta Cusub ee Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada baydhabo.

Dhismaha Xaruntan ayaa Waxaa Fuliyey Bankiga Horumarinta Afrika iyo Hay’adda IOM,Waxaana Furayaasha Xarunta Lagu Wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta KGS Iimaan Cali Cabdi.

Furitaanka Xaruunta ayaa Waxaa Kaqeybgaley Wasiiro iyo Xildhibaano heer Federaal iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Soomaaliya Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed oo Kamid ahaa Wafdiga Wasiir Fowsiyo Maaxmed Maxamed Sheekh ay hoggaaminaysay,kasi oo shalay garay magaalada Baydhaboka.

Madaxweynaha Dowlada Goboloeedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicaziiz Laftagareen iyo Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha DFS Fowziyo Maxamed Sheekh oo furitaanka xaruntaasi ka hadlay ayaa siweyn uga hadlay muhiimadda arrintan ay u leedahay bulshaad deegaanka in loogu adeego,iyadoo looga mahadceliyay Wasaarada Tamarta iyo Kahayraadka Biyaha oo ay hoggaaminayso Fowsiyo Maxamed Sheekh dowrkeedi ku aadan horumarint aadeegyada Tamarta iyo biyaah guud ahaan Dalka.

Furitaanka Xaruuntan ayaa kusoo aadeysa Xili dhawaan Lafilayo in deegaanada KGS laga bilaabo Mashaariic lagu horumarinayo Biyaha iyo Korontada.

Goobjoog News