U bood dhigaalka

Madaxweynaha Khaatumo oo Booqasho ku jooga Muqdishu si Wadatashi ula Yeesho Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha Maamulka Khatumo oo Maanta soo gaaray Magaaladan ayaa sheegay in ujeedkiisu uu yahay sidii Mamulkiisu ugu raadin lahaa Hormarinta Degaanada Maamulkaasi ka taliyo.

Madaxwayne Cali Khaliif Galayr ayaa sheegay in uu kulamo la qaadan doono Madaxda Dalka oo ay kala hadli doono arimo ku saabsan Maamulka uu isagu Madaxda u yahay.

Galayr waxa uu sheegay in Maamulkiisu tan iyo Magacabay uu qaaday hormarinta Degaanada Khaatumo.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Prof, Cali Khaliif Gallayr oo madaxweynaha maamulka Khaatumo loo doortay 14-kii August ee sannadkan.

Booqasha Galeyr ayaa kusoo beegantay iyadoo maanta uu xilka la wareegay wasiirka Koobaad ee Federaalaka Cumar Cabdi Rashid

Hadaba Hadalka Madaxwayne Galayr halkan ka dhagesyo