U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koofurta Suudaan oo Diiday in Heshiis La Galo Mucaaradka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dalka Koofurta Suudaan Salva Kiir ayaa diiday in uu saxiixo heshiis lagu waday in uu dhex maro isaga iyo ninka Mucaaradka hogaamiya Riek Machar.

Labada dhinac ayaa wada hadal ku lahaa dalka Itoobiya, iyadoo lagu waday in lasoo afjaro dagaal sokeeye oo ka socday Koofurta Suudaan 20 Bilood.

Shirkan lagu kala kacay waxaa dhex dhexaadinayey hogaamiyaasha Itoobiya iyo Kenya

Madaxda gobolka ayaa u sheegay labada dhinac in cunaqabateyn la saari doono cidii wada hadal carqaladeysa, lakin waxaa muuqata in Salva Kiir uu go’aan gaaray.