U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Booqday Dadkii Dhawaan Ku Dhaawacmay Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Bayahdba (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Shariif XasanMadaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta booqday dadkii dhawaan ku dhaawacmay Qarayxo Ismiidaamin ah oo dhawaan ka dhacay magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobalka Bay.

Shariif Xasan ayaa mid mid u dul Istaagay 13 Bukaan oo weli ku jira Isbitaalkaasi, ka dib markii qaarkood Muqdisho loo soo qaaday, halka kuwo kalena xaafadahooda loo celiyay.

Agaasimaha Isbitaalka Baydhaba Cabdulaahi ayaa sheegay in weli ay wadaan la tacaalidda dhanka caafimaadka Bukaanada ku jira Isbitaalkaasi, isaga oo sheegay in ay ku farxeen booqashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqashadiisa ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay kaalin ka qaadan doonaan sidii loo daweyn lahaa bukaanada weli ku jira Isbitaalka Baydhab, waxaana uu sheegay in dhaqaatiirta laga doonayo inay ku dadaalaan dhamaan dadka ku jira Isbitaalkaasi oo xanuunsan.

Dhinaca kale waxa uu codsaday hogaamiyaha Koonfur Galbeed in lala soo gaaro Isbitaalkaasi daawooyin weli ka maqan Isbitaalka.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News