U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Degmada Bardaale Kula Kulmaya Saraakiisha Dowladda Iyo Kuwa AMISOM

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay degmada Bardaale ee gobalka Baay, halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Shariif Xasan iyo xubno la socda ayaa diyaarad ku tagay degmadaasi, iyadoo shacab iyo mas’uuliyiin ay halkaasi kusoo dhaweeyeen.

Uljeedka safarkiisaan ayaa lagu sheegay u kuur gelidda xaaladda guud ee degmadaasi iyo sidoo kale in halkaasi uu geeyo maamul cusub oo dhawaan uu u magacaabay Bardaalle.

Wararka waxa ay sheegayaan in halkaasi uu haatan kulan kula leeyahay saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM, isaga oo amniga guud iyo arrimo kale kala hadli doona.

Shariif Xasan oo caawa degmada Bardaale ku hoyanaya ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada.

Goobjoog News