U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Shariif Xasan ShekhMadaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta la filayaa in uu gaaro magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, halkaasi oo kulamo uu kula soo qaadan doono madaxda maamulka Jubba.

Socdaalka Shariif Xasan waxaa ku wehlin doona qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ku sugnaa magaalada Baydhaba, kuwaa oo ka qeyb qaatay dhismaha maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka aynu helnay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi markii uu gaaro Shariif Xasan ay si gaar ah u wada kulmi doonaan madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe.

Socdaalkaan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay oo Shariif Xasan ku tago Kismaayo tan iyo markii xilkaasi loo soo doortay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News