U bood dhigaalka

Madaxweynaha Lebanon Oo Ugu Baaqay Sacuudiga Inay Cadeeyaan Sababata Ay U Heystaan Sacad Xariiri

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Lebanon Michel Cown ayaa ugu baaqay boqortooyada Sacuudiga inay caddeeyaan sababta ra’iisulwasaaraha Lebanon uu ugu soo laaban la’yahay dalkiisa, kaasi oo hadda ku sugan magaalada Riyaadh ee caasimadda Sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay arrinta Sacad Al-Xariiri  inay tahay mid mugdi uu ku jiro, waxaa uuna dunida uu u sheegay in ra’iisulwasaaraha uu yahay nin la afduubtay.

Sacad Al-xariiri ayaa si lama filaan ah waxaa uu iskaga casilay xilka ra’iisulwasaarnimo 4 November isaga oo ku sugan dalka Sacuudiga,  waxaa uuna ku tilmaamay sababta is casilaadiisa inuu u baqay noloshiisa.

Tan iyo markii uu is casilay Hariri kuma uusan laaban Lebanon.

Ururka Hezbollah ee dalka Lebanon iyo dowladda Iran ayaa sheegay in Sacuudiga uu xoog ku heysto Xariiri ka dib markii ay ku qasbeen inuu is casilo.

Xoghayaha guud ee ururka Hezbollah Xassan Nasrallah ayaa ku tilmaamay arinta Xariri inat tahay faro galin aan horay loo arag oo uu Sacuudiga ka dhexwado siyaasadda Lebanon.

Dhanka kale dowladda Sacuudiga ayaa ugu baaqday shaqaalaheeda ku sugan dalkaasi inay si degdeg ah ay ugu soo baxaan.

Arrintaani ayaa timid ka dib markii la dilay askari u dhashay Lebanon kuwo kalana la dhaawacay ka dib markii weerar lagu qaaday Baalbek ee waqooyi bari ee dalkaasi, halkaasi oo laga soo furanayey muwaadin u dhashay Sacuudiga oo lagu afduubtay.

Goobjoog News