U bood dhigaalka

Madaxweynaha Lebnon Oo Sheegaya In Xariiri Xiran yahay Iyo Macron Oo La Hadlay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Lebanon Michel Coun ayaa ku eedeeyay Sacaduudiga in ay xireen ra’iisulwasaare Sacad Xariiri kadib markii si kadis ah xilka iskaga casilay isaga oo ku sugan Riyaadh.

Ra’iisulwasaaraha ayaa shaqada ka tagay 4 November isaga oo ku sheegay sababta in uu u baqay naftiisa. Iran iyo xisbullaha ayaa waxaa uu ku eedeeyay inay ku ciyaarayaa amniga gobolka Carabeed.

Dhanka kale Madaxweynaha Faranasiiska  Emmanuel Macron ayaa ugu baaqay ra’iisulwasaaraha dalka Lebanon ee  is casilay Sacad Xariiri isaga iyo qoyskiisa in ay soo booqdaan Faransiiska, balse madaxweynaha ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay inaysan siineynin magan gelyo siyaasadeed.

Mas’uuliyiin u dhashay Faransiiska ayaa waxay sheegeen in u yeeridda Xiriri ay timid ka dib markii Emmanuel Macron uu qadka telefoonka uu kula xiriiray Xariiri iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan.

Todobaadka wareysi uu bixiyay Xariiri waxaa uu sheegay in uu dib ugu noqon-doono dalka Lebnon isla markaana uu mar labaad isku hor casili-doono madaxweyne Michel Coun.

Goobjoog News