U bood dhigaalka

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo Daah-Furay Mashruuca Qolalka Isgaarsiinta

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Magaaladda Jowhar ka daah-furay barnaamijka qololka Isgaarsiinta ee Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo World Bank uu ka hirgaliyay Xafiisyada Hirshabelle.

Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo ah mid ka mid ah mashaariicda uu bankiga aduunku ka wado Dalka, ayaa waxa uu kala shaqeeyaa arrimaha Tecnolojiyada Wasaaradaha Boostada iyo isgaarsiinta Dawladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka, waxaana mashruucani uu yahay mid dalka oo dhan laga hirgaliyay.

Munaasabadda Daah-furka oo ka dhacday madaxtooyada Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulkaasi, Madaxweyne ku-xiggeenka, Guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee Baarlamanka, Xubno ka tirsan Labada Golle, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, xubno ka tirsan labada gole ee Hirshabelle, Maareeyaha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mas’uuliyiin kale.

Maareeyaha mashruucani Cabdisalaan Shariif Xuseen oo faah faahin ka bixiyay mashruuca ayaa u mahad-celiyay madaxda Hirshabeelle sida quruxda badan ee ay u soo dhoweeyeen mashruuca islamarkaana kala shaqeeyeen shaqalaaha shaqada qabtay, sidoo kale waxa uu u mahad-celiyay Wasiirka Wasaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Bankiga Aduunka oo kaalin weyn ka qaatay Mashruucaan.

Wasiirka boostada isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda Maamulka Hirshabeelle Mudane C/Weli Sheekh Cali oo mashruucani Qolalka Isgaarsiinta Casriga ah iyo qalabkooduba la wareegay ayaa ka mahadceliyay fulinta mashruucani, waxaana uu sheegay ka wasaarad ahaan ay wadaan dadaalo la xiriira horumarinta isgaariinta iyo ticnoolajiyada islamarkaana ay hadda ku howlanyihiin tayeynta Internetka xafiisyada Dowladda.

Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyada mashruudani uu u leeyahay xafiisyada Maamulkaasi oo koobaya howlaha shaqo oo mararka qaar ay noqon jirtay in la isku safro

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka warbixiyey mashruuca iyo faa’iidooyinkiisa waxa uuna uga mahad celiyey madaxda Mashruuca sida wanaagsan ee ay u fuliyeen mashruuca, kadibna waxa uu xariga ka jaray qolalka isgaarsiinta ee laga hirgeliyey Hirshabeelle.

Goobjoog News