U bood dhigaalka

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Wasiiradiisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golahiisa wasiirada, isaga oo ku sugan deegaanka Ceel-cadde ee gobalka Togdheer.

Galeyr ayaa soo kordhiyay wasaarado cusub waxaana sidoo kale xilalka u kala wareegay qaar kale oo ka mid ah wasiirada maamulka Khaatumo State.

Xubnaha la magacaabay qaarkood waxaa ka dhex muuqday siyaasiyiin cusub, sidoo kale xubnaha la magacaabay waxaa ku jira Keyse Cabdi Yuusuf oo mar lasoo shaqeeyay maamulka Somaliland.

Madaxweyne Galeyr ayaa ugu damabeyn kula dardaarmay wasiiradiisa inay la yimaadaan shaqooyin muhiim ah, islamarkaana ay ay ka shaqeeyaan aayaha Khaatumo State.

Maamulka Khaatumo weli uma aanay suurta gelin in si hufan uga shaqeeyo gobalada uu sheegto ee kala ah Sool iyo Sanaag, waxaana gobaladaasi la maamula Somaliland iyo Puntland.

Goobjoog News