U bood dhigaalka

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee maamulkaasi kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in markii uu madaxweyne Shariif uu la tashtay wasiirka Garsoorka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, markuu garwaaqday howlaha baaxadda weyn ee shacabka ka sugayaan guddoomiyaha maxkamadda inuu go’aansaday in Axmed Cabdullaahi Xuseen Fanax loo magacaabay guddomiyaha maxkamadda sare ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in mas’uulkan la magacaabay uu waxbadan ka qabto shaqooyinka horyaalla.

Guddomiyahan loo magacaabay maxkamadda sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee maamulkaasi yeesho tan iyo markii la dhisay Koonfur Galbeed.

Goobjoog News