U bood dhigaalka

Madaxweynaha Masar Sisi oo Cafiyay Saxafiyiintii Al-jazeera

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Masar Cabdifitax Al-sisi ayaa cafis u fidiyay Saxafiyiinta Aljazeera ee Maxamed Fahmi iyo Bahir Maxamed

Cafiska waxaa sidoo kale ku jiraa ilaa 98 Masbuux kale oo u xirnaa arimo la xiriira fikirka iyo Dibad baxyo ka dhacay dalka Masar dad lagu soo qabqabtay, waxaana lagu soo beegay Munaasabadda Farxadda Ciidul Adxa.

Dadka la sii daayey waxaa ku jira sidoo kale 16 Gabdhood oo lagu qabtay rabshado ka dhacay Madaxtooyada dalka Masar iyo arimo la xiriira dibad baxyo.

Saxafiyiinta Aljazeera ayaa lagu eedeeyay ka mid ahaanshiyahooda Ikhwaann Muslimiinka, Faafinta Warar been abuur ah iyo xitaa ka mid arimo argagixiso.

Labada Saxafi, waxaa lagu xukmay min 3 sano oo xarig ah, Xitaa Fahmi oo wata dhalashada Canada waxaa loo diiday in uu dalka ka baxo.