U bood dhigaalka

Madaxweynaha oo Golaha Wasiirrada kula dardaarmey dhaqangelinta maamul wanaagga, kana xog-waramey xaaladda dalka

Sheeko:Dalka

Muqdisho, 11 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley kulanka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ka warbixiyey hawlaha dowladda ee dhismaha maamullada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo diyaarinta barnaamijka Hiigsiga 2016.

“Dhismaha maamullada meel fiican bay marayaan. Horumar muuqda ayaa ka jira shirka socda Cadaado ee maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe. Waxaa xigi doona Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogol-xaarka iyo wadatashiyo lagu jiro. Dabcan arrimaha maamulka Jubba iyo tabashooyinka ka dhashey dhismaha baarlamanka iyaguna waa lagu guda jiraa, waxaana filayaa in Guddiga golaha wasiirrada ee loo saarey arintaasi ay dhowaan xal ka gaari doonaan.’’

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in golaha wasiirrada looga fadhiyo inay dardargeliyaan barnaamijyada horumarinta dalka, isla markaana ay jiri doonto isla xisaabtan si hawlaha qaranka ay u najaxaan.

Shirka Golaha wasiirrada ayaa waxaa kale oo looga hadley arrimo kale oo ay ka mid yihiin hawlagallada amniga, xasilinta dalka iyo qabsoomidda imtixaanka mideysan ee shahaaddada dugsiga sare.