U bood dhigaalka

Madaxweynaha oo Hambalyeeyey Baarlamaanka Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka cusub ee loo sameynayo gobollada dhexe, kaas oo lagu dhaariyey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha baarlamankan cusub ay ka tarjumeyso horumarka laga sameynayo dhinaca hirgelinta nidaamka federaalka ee uu waddanku qaatey.

‘’Shacabka gobollada dhexe waa cusub ayaa u baryey, shaqo badan ayaana sugeysa. Dhismaha baarlamanka waa bilowga dhismaha maamul buuxa oo degaanadaasi ay yeeshaan mustaqbalka. Waxaan shacabka gobolladaasi u sheegayaa inay ka faa’ideystaan fursadda ay heystaan oo ah inay rabitaankooda ku soo doortaan cidda ay doonayaan inay hoggaamiso, iyadoo Dowladda Federaalkana ay diyaar u tahay in cid kasta oo la soo doortaa ay la shaqeyso’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhisan tahay dib u heshiisiin iyo nabadeyn, isla markaana aaney marnaba dowladda taageeri doonin maamul carqalad gelinaya amniga maamul kale oo dalka ka jira.

Goobjoog News