U bood dhigaalka

Madaxweynaha Oo Kormeeray Xerada 21-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta wuxuu kormeeray xerada 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, taasi oo ku taalla degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Waxa uu madaxweynaha xeradaasi kula kulmay saraakiil iyo ciidamo badan oo halkaasi ku sugan, isaga saraakiisha qeybta 21-aad ka dhageystay warbixinno.

Saraakiishan ayaa ka warbixiyey baahiyaha ay ciidamadu qabaan iyo sidoo kale iney u diyaarsan yihiin guluf ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay ciidamada xoogga dalka kaalinta ay ka qaataan nabadeynta dalka iyo dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safar ku jooga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana sidoo kale magaaladaasi ku sugan mas’uuliyiin kale.

Goobjoog News