U bood dhigaalka

Madaxweynaha Oo Ku Wajahan Hobyo, Mudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu aado degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Waxaa madaxweyne Farmaajo wehlinaya madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, madaxa wasiirada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, wasiirro iyo xidhibaannno.

Shacabka ku dhaqan degmada Hobyo ayaa wada diyaar garow ku aadan sidii ay kusoo dhoweyn lahaayeen madaxweynaha iyo Wafdiga uu hoggaaminayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaal ku maraya deegaanno kamid ah Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News