U bood dhigaalka

Madaxweynaha Oo Saxiixay Sharciga Batroolka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixay sharciga Batroolka dalka kaas oo ay horay u soo ansixiyeen golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sharcigaan in uu saxiixo waxa uu ku qaatay 33-maalmood isaga oo maanta ugu dambeyn saxiixay.

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sharciga batroolka dalka ansixiyeen 6-dii Janaayo ee sanadkaan waxaana ilaa waqtigan la sugayay saxiixa madaxweynaha.

Sharciga batroolka ee uu maanta saxiixay madaxweynaha ayaa dhaqan galaya wixii maanta ka dambeeya iyada oo ay xusid mudan tahay in shirkado kala duwan ay horay u sahmiyeen qeybo ka mid ah shidaalka ku jira Soomaaliya.

Goobjoog News