U bood dhigaalka

Madaxweynaha oo Sheegey in AMISOM ay Ka Baxayso Istadiyuum Muqdisho iyo Jaamacadda Gaheyr

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey xaflad sedex sano guuradii kasoo wareegtey markii xilka loo doortey ayaa sheegey in ciidamada AMISOM uu kula heshiiyey in ay ka guuraan garoonka ciyaaraha ee Istaadiyuum Muqdisho iyo jaamacaddii Gaheyr.

Waxa uu sheegey in duruufihii keeney in ay dagaan halkaasi aysan maanta jirin, sidaasi darteedna uu dhalinyarada Soomaaliyeed ugu bishaareynayo in AMISOM ay ka guuri doonto goobahaasi muhiimka ah ee sida weyn loogu baahanyahay.

Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliyeed ayaa marar badan oo hore codsaday in AMISOM ay ka guurto garoonka, balse aysan taasi dhicin.

Lixda Tiir

Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay fulisay Lixdii Tiir ee uu horay ugu ballan qaaday shacabka, taasi oo la xiriirta wax ka qabashada arrimo badan oo dalka ka jiray.

Madaxweynaha oo xalay u dabaal degay Seddax Sano guuradii kasoo wareegtay markii xilkaasi loo doortay ayaa ka hadlay arrimo aad u badan oo ku saabsan marxaladda dalka.

Waxa uu sheegay in wax badan laga qabtay arimaha amniga, dhaqaalaha, waxbarashada dib u dhiska iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Mudadii uu xilkaan haayay ayuu sheegay madaxweynaha in dowladda uu hogaamiyo la timid isbedallo dhan walbo leh.

Goobjoog News