U bood dhigaalka

Madaxweynaha Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xsan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu warqadaha safiirnimo ka guddoomiye Danjiraha cusub ee dowaldda Sacuudiga usoo magacowday Soomaaliya, Dr Mohamed Abdi-kani Al-Khayat.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa qaatay kulan looga hadlay xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu safiirkan uga mahadceliyey imaanshiyahiisa Muqdisho.

Al-Khayat ayaa isna dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkaan loo soo magacaabay iyo sidoo kale in maanta warqadihiisa ku wareejiyo madaxweyne Xasan Sheekh Mxamuud, waxaana uu sheegay in dowladda Sacuudiga ay daneynayso ka qeybgalka horumarka Soomaaliya ka socda.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in goor dhow la arki doono howlo badan oo dowladdiisa ka fuliso Soomaaliya, taas oo kor usii qaadeysa sida uu sheegay xiriika dheer ee Labada dal.

Goobjoog News