U bood dhigaalka

Madaxweynaha oo xeer ka soo saaray magacaabista Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka 2016

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer ka soo saaray magacaabista Guddiga Heer Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee sannadka 2016-ka.

Guddigan oo ka kooban 22 xubnood ayaa lix ka mid ah ay yihiin haween.

Magacyada xubnaha ka mid noqonayaa guddigan ayaa kala ah:

1. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
2. Maxamed Jaamac Mursal
3. Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen
4. Sahra Maxamed Cali Samatar
5. Maxamed Cabdi Xayir
6. Saalax Axmed Jaamac
7. Maxamed Keynaan
8. Nafiisa Geedi Santuur
9. Cabdiraxmaan Xabashow
10. Baarliin Cadami
11. Cabdiweli Xersi Cabdulle
12. Saadiq Abshir Garaad
13. Aadam Ibraahim Aw Xersi
14. Cabdicasiis Sheekh Xuseen
15. Cabdiraxmaan Aadan Sate
16. Maxamed Cabdi Nuur
17. Xuseen Qaasim Yuusuf
18. Cabdullaahi Salaad Yaroow
19. Axmed Maxamed Saciid
20. Fardowsa Maxamed Ducaale
21. Aamina Cabdullaahi Dheerow
22. Raaxo Maxamed Janaqow

Guddigan waxaa hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan, jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.

—————–DHAMMAAD—–————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya