U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Boosaaso (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GaasMagaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, waxaa maanta gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kuwaa oo kasoo kicitimay magaalada Qardho.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa xalay ku hoyday magaalada Qardho ee gobalka Karkaar, waxaana saaka ay kasoo amba baxeyn halkaasi, iyaga oo Boosaaso lagu soo dhaweeyay.

Wararka illaa hadda la helayo waxay sheegayaan in ujeedooyinka safarka madaxweynaha Puntland ay la xiriirto dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Wariyaha Goobjoog Fm ee Gobalka Nugaal Cali Cabdi Casiis Ducaale ayaa soo sheegaya in Hogaamiyaha Puntland uu la kulmi doono Injineerada dhisi doona Garoonka Magaaladaasi, iyo sidoo kale maamulka iyo qeybaha kala duwan ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Waxaa dhawaan si rasmi ah magaalada Boosaaso uga bilaaban doona dhismaha Garoonka diyaaradaha, iyadoo qalabkii lagu dhisi lahaa garoonkaan lasoo gaarsiiyay Boosaaso.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News