U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Gaas Oo Dagaalka Gaalkacyo Ku Eedeeyay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland DR. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan ka maqnaa dalka ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa saxaafadda markii uu kula hadlay Boosaaso soo hadal qaaday dagaallada ka soconaya duleedka Galbeed ee Gaalkacyo.

Wuxuu ku eedeeyay dagaalladaasi dowladda federaalka Soomaaliya isagoo Gaas sheegay in dagaalkaasi uu shaki gelin karo doorashooyin inay dalka ka qabsoomaan.

“Gaalkacyo waxaa laga wadaa dagaallo, dagaalkaasoo aan aheyn mid laga soo abaabulay Cadaado, meesha Puntland lagaga soo duulayo waa Xamar, waxaa ku soo duulaya oo shiddadaa wadana waa Dowladda Federaalka Soomaaliya” Ayuu yiri hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Dhanka kale, wuxuu soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee lagu yegyeelayo dowladda cusub.

“Doorashooyin baa laga hadlayaa iyo in dawlad la dhiso, isbadal dowladnimana yimaado, dabcan cadow duulaan kugu ah si wax loola dhisanayo oo dawlad loola wadaagayo garanmaayo runtii” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas hadalkaan ka soo yeeray waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maamulka Galmudug wasiirro ka tirsan ay ku eedeeyeen in Puntland ay diiday wada hadal iyo in laga heshiiyo sababta keentay colaadda weli ka aloosan galbeedka Gaalkacyo.

Goobjoog News