U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Iyo Safiirka Yemen Ee Soomaaliya Oo Ku Kulmay Garoowe

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa gaaray safriika Yemen ee Soomaaliya Mansur Ali Rayash Al-imrani, kaasi oo halkaasi kula kulmay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Mas’uuliyiintaan ayaa arrinta ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah qaxootiga soo gaaray magaalada Boosaaso kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada Yemen iyo sidoo kale sida Puntland iyo shacabkeeda usoo dhaweeyeen dadkaasi.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaali doonaan sidii ay kusoo dhaweyn lahaayeen shacabka kasoo cararay dalka Yemen ee Soomaalida iyo Yemen isugu jira, islamaraakana gacan ka geysan doonaan caawintooda.

Mansur Ali Rayash Al-imrani ayaa isna waxa uu halkaasi ka sheegay in uu ku faraxsan yahay caawinaadda Puntland iyo shacabkeeda u sameeyeen dadka kasoo cararay dalka Yemen, isaga oo tilmaamay in taasi ay tahay mid ka dowlad ahaan aysan iloobi doonin.

Al-imrani ayaa sidoo kale sheegay in Puntland iyo shacabkeeda ku amaanan yihiin xilli walba garab istaaga dadka Yemen oo qaarkood Boosaaso yimid, isaga oo tilmaamay in hadda Yemen ay gashay marxalad adag.

Dalka Yemen waxaa ka socda dagaal culus oo sababay in shacab badan oo Soomaaliyeed ay halkaasi naftooda kala soo baxsadaan, iyadoo sidoo kale ay jirto Qaxooti Yemeniyiin ah oo dalka soo gaaray.

Goobjoog News