U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Iyo Xubno Ka Tirsan Beesha Caalamka Oo Ka Hadlay Sidii Wax Loogu Qaban Lahaa Dadka Kasoo Cararay Yemen

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madax ka tirsan beesha caalamka kala hadlay taageero loo fidiyo dadka kasoo laabtay Yemen ee ku sugan deegaanada Puntland.

Cali Gaas oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaas kulamo kula qaatay safiirada Midowga yurub, Maraykanka, Holland , Sweden iyo madax sare oo katirsan Bank-iga aduunka.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa dhammaan madaxda uu la kulmay kala hadlay sidoo kale arrimaha amaanka Puntland iyo sidii ay taageero qalab ciidan oo casri ah Puntland u siin lahaayen , waxaana uu u sheegay in muhiim tahay taagerada ay balan qaadaan in ay ka dhabeeyaan.

Madaxda Beesha caalamka ayuu sidookale Madaxweynuhu ka dalbaday in taageero degdeg ah lasoo gaaraan qaxootiga ka imaanaya Yemen oo ay Puntland kaalin mugleh ka qaadatay dejinta iyo soo dhaweyntooda.

Wuxuu sheegay in hadda dadkaasi ay u baahan yihiin gurmad beni’aadanimo oo dhinac kasta ahi.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ka dhabaysay balanqaadkii ahaa in qaxootiga ka imaanaya Yemen ay Puntland soo dhaweynayso iyadoo la dhowrayo sharaftooda , qiyamkooda iyo amnigooda.

Goobjoog News