U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland oo Daahfurey Kulyad Cusub oo Seeyniska Lagu Barto (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GaasMadaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa maanta xariga ka jaray kulyada Seyniska Jaamacadda Bariga Afrika, gaar ahaan qeybteeda deegaanka, taasi oo ay iska kaashadeen wasaaradda deegaanka Puntland iyo Midoowga Yurub.

Wasiirka Deegaanka Puntland Guuleed Saalax Barre oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegey in kulyadani ay wax ka baran doonaan illaa 30 arday kuwaasi oo dhamaantood lacag la’aan ama deeq waxbarasho u heley, noloshoodiina la dabaray.

Mid ka mid ah ardayda ka faa’iideysanaysa deeqdani waxbarasho oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdiraxmaan Warsame oo u waramay Goobjoog ayaa sheegey in barashada tacliinta deegaanka ay ku dhalisey kadib markii ay arkeen xaalufka dalka ka jira iyo sida deegaankii waxyeelada loo gaarsiinayo, wuxuuna balan qaaday in aqoonta uu meesha ka helo uu dalka ugu shaqayn doono.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey in iyada oo dabiici ahaa dhulka Puntland uusan ahayn dhul geedo badan, hadane intii yareyd ee ku tiiley haddii lasii jaro maxaa noo haraaya “Qodkii dhuxusha u jaranaya in uu isaga wax ku karsado waa wax la gartay, laakiin kan kale qiil ma lahan” ayuu yiri Gaas.

Midoowga Yurub ayaa Puntland ugu deeqey illaa 25 malyuun o arrimaha deegaanka wax looga qabanayo, taasi oo lasoo mariyo hey’adaha Care iyo Adeso, kuwaasi oo la shaqeeya wasaaradda deegaanka.

Kulyadan cusub ayaa waxa ay imaanaysaa xili Puntland ay soo daabacday siyaasad cusub oo deegaanka ku saabsan, taasi oo qeexaysa talaabooyinka cad cad ee wax looga qabanayo arrimaha deegaanka .

Dhageyso

Goobjoog News