U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Hambalyo U Diray Wasiir Axmed Shido

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa,kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba ayaa hambalyo u diray Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa.

Majaladda Leadership Magazine ayaa shaacisay guuleystayaasha abaalmarinta Hogaaminta Ganacsiga Afrika 2020 oo sanadkiiba soo bandhigta mar, guulaystayaasha sanadkan, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed shìde, isagoona ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale Dowladda iyo shacabka Itoobiya ugu hambalyeeyey guushani ay gaareen, taasi oo muujinaysa horumarinta dhaqaalaha, hufnaanta iyo shaqo wanaagga ka jirta nidaamka Maaliyadeed ee dalkaasi, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay inay muhiim tahay in lagu tartama horumarka Gobolka, wax la kala barto oo laysku dhiirigeliyo waxkasta oo wanaagsan.

Goobjoog News