U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadlay Khilaafka Kala Dhaxeeya Dowladda Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cbdullaahi Deni, oo maanta ka  furay magaalada Garowe kalafadhiga 44aad ee Baarlamaanka dowled gobaledka  Puntland, ayaa ka hadlay dhinacyo badan.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday shirkii Garowe ee natiijo la’aanta ku soo dhamaaday, waxa uuna xusay in marwaliba Puntland ay u taagan tahay in la helo dowladnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka federaalka oo Soomaali ay ku heshiisay.

“Ujeedooyinkii lagu aas aasay Puntland oo ay ka mid ahaayeen raadinta iyo taabagalinta  dowladnimo Soomaaliyeed, waxaanu fidinay gogol ay isugu imaanayeen madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, si looga wada xaajoodo arrimaha lasku qilaafsan yahay xalna loo gaaro”.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in nidaamka federaalka ee dalka uu qaatay aysan Puntland dooneynin in ay faragaliso shaqo ay dowladda dhexe ay leedahay .

“Puntland marabto mana doonreyso inay qabato ama qaadato shaqo dowldada ay leedahay, ma aqbaleyno in dowledda federaalka si sharciga hareer marsan u qaadato doorkii maamulada dalka,waxaan aad isugu taxalujinay inaan kala aragti duwanaanta u badalno is faham, wadashaqeyn, is ixtiraam iyo dhaqan galinta sareynta sharciga, nasiib darro Todobo maalin ka dib shirkii waxa uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan”

Dhanka kale Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in maalintaa laga baaqsan karay inuu natiijo la,aan uu ku soo dhamaado shirkii Garowe haddii dowladda federaalka ay ka soo dabci laheyd halka ay joogtay waxa uuna sheegay in maanta loo baahan yahay wadajir.

“ Waxaan aaminsan nahay inuu laga baaqsan karay fashil ku yimaada wadaxaajoodkii, haddii dowladda federalka ay ka soo dabci laheyd marooqsiga iyo isku kali yeelidda awoodaha dalka, maanta waxaan u baahan nahay wadajir, wadashaqeyn, dadka Soomaaliyeed uma baahno tafaraaruq iyo jab hor leh”

Ugu danbeyn Madaxweyne dowled gobaledka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii loo dhameyn lahaa xiriirka aan wanaagsaneyn ee kala dhexeeya dowledda federaalka.

“ Puntlan waxa ay diyaar u tahay in is afgarad laga gaaro iyo wada xaajood xiriirka aan wanaagsaneyn ee kala dhaxeeyo dowladda federaalka, Puntland mar waliba waxa ay hormuud u tahay ku dhaqanka iyo dhowrista dastuurka, hirgalinta iyo adkeynta nidaamka federaalka, ka shaqeynta sidii  si is afgarad ah looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka”

Goobjoog News