U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Kufsiga Iyo Dilka Loo Geystay Gabar 12 Sano Jir Ahayd

Sheeko:Dalka

Saciid C/laahi Dani, madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dilka iyo kufsiga loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd 12 sano jir ku nool magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay Dani in falkaasi aad uga xunyahay, isaga oo sheegay in hay’adaha ammaanka ka rajeynayo in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii falkaasi sameeyey.

“Waxaa soo badanaya dhaqamo iyo caado aad u xun, oo aad moodin in ay dib inoogu celinayaan wixii aan kasoo gudubnay, dadkii aan rabnay inaan karaameyno oo aan hormar la rabay in la gaaro, dadkii aan ku tuhmyenay iney aqoontooda iyo ilbaxnimadooda korortay…waxaa socda dhaqamo aad u xun oo naxdin leh…waxaan rajeeneynaa in dowladda tallaabo adag ka qaadi doonto cid walbo oo ku xadgudubta karaamada bini’aadamka”

Caasho ayaa saacado ka maqneyd hoygooda, waxaana kadib meydkeeda lasoo dhigay bannaanka gurigooda xilli habeen ah waliba iyada oo lasoo kufsaday.

Goobjoog News