U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Ku Baaqay In Loo Midoobo Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, islaamarkaana laga saaro meelaha ay dalka ka maamulkaan.

Waxa uu sheegay Gaas, in Al-shabaab yihiin kuwo mar walbo ka shaqeeya kala geynta dadka Soomaliyeed iyo sidoo kale kala fogeynta shacabka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dagaallada lala galayo Al-shabaab ayuu sheegay iney u baahan yihiin in la mideeyo si mar qura looga saaro mel walbo oo ay dalka ka joogaan.

“Cadow waxaa jira manta Soomaaliya dhib badan ku haya oo diidan qaranimadeena, kana shaqeynaya dhibaatooyin dhaca si ay u guuleystaan, waxaan jeclaan lahaa in cadowgasi innaga oo mid ah aan ka xoreysanno meelaha ay naga haystaan, ha noqoto Galgala ama Xarar-dheere” ayuu yiri Gaas.

Dowladda Federaalka ayaa dagaal ka dhan ah Al-shabaab ku dhowaaqday kadib qaraxii Zoobe ka dhacay 14-kii October, 2017.

Goobjoog News