U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Qaatay Kooxda Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Melbourne

Sheeko:Cayaaraha

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhallinyaro isugu jirta Dhakhaatiir iyo Ciyaartoo oo ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, kuwaasi oo booqasho ku maraya magaalooyinka waa weyn ee Puntland,iyagoo sanadkii saddexaad halkaa booqasho ku maraya.

Kulanka waxaa Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ku wehelinayey Masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada Puntland, Xafiiska Xiriirka Jaaliyaddaha ee Puntland iyo Madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta mudane Deni ayaa kooxda qurbajoogta kaga mahad celiyay imaatinkooda dalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay muhimtahay qorshaha dhallinyaradani ku yimaadeen Puntland, oo kor u qaadaya isdhex-galka dhallinyarada iyo barashada dalka iyo dhaqanka aynu leenahay wuxuuna maamulka kooxdan ku bogaadiyay howlahan muhiimka ah.

Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabbdullahi Deni ayaa bogaadiyey Dhakhaatiir qeyb ka ah wafdiga ka yimi Australia kuwaasi oo u yimi Puntland inay sameeyaan qaliin indhaha ah oo lacag laáan ah, mashruucaasi oo ay ka fulinayaan Boosaaso iyo Gaalkacayo waxaa ka faaídeysan doona dad gaaraya 450 oo qof.

Wafdiga ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia oo booqashadani u tahay markii saddexaad ee ay Puntland yimaadaan ayaa ka kooban 30-xubnood, oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, Ciyaartoo iyo tababaryaashooda. Waxaana inta ay joogaan Puntland ay sidoo kale Ciyaaro kubadda cagta ah kaga qeybgeli doonaan magaalooyinka Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Gaalkacayo.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Madaxweyne Deni Iyo Kooxda Melbourne

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/488478825120137/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle