U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Yeeshay Nabadoonada iyo Waxgaradka Qardho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka magaalada Qardho, kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka dhalatay fatahaadii ka dhacday Qardho.

Nabadoonada iyo Waxgaradka ayaa Madaxweynaha Puntland uga mahadceliyay sida ay Dowladdu uga jawaabtay illaa iyo haddana u maareynayso xaaladda dhacday iyo imaanshaha Madaxweynaha ee Qardho.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabddullaahi Deni, ayaa la wadaagay Waxgaradka iyo Odeyaasha dhaqanka in Dowladda ay ka go’antahay sidii xal waara looga gaari lahaa togagga iyo meelaha kale ee fududeynaya in Biyahu soo galaan magaaladda.

Dowladda Goboleedka Puntland ayaa goor hore bilowday qorshe loogu gurmanayo degmada Qardho, si wax loo gaarsiiyo dadkii uu noloshooda saameeyay daadkii iyo fatahaadii ka dhacday Qardho, waxaana uu hadda maraya qorshahaasi meel wanaagsan.

Goobjoog News