U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka Ah Ee Doorashooyinka Puntland.

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda.

XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen.

Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland.

Wuxuu Xeeriyey.

Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.

1. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq

2. Sahra Jaamac Saalax.

3. Cali Jaamac Faarax.

4. Cabdullaahi faarax Mire.

5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle.

6. Guulleed Saalax Bar.e.

7. Jaamac Xirsi Faarax.

8. Xafso Salaad Maxamed.

9. Cadirisaaq Axmed Siciid.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay.
Goobjoog News