U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal iyo ku-xigeennadiisa, ka dib markii bishii tagtay guddoomiyihii hore ee gobolka lagu dilay qarax miino oo lagula eegtay magaalada Goroowe, kaas oo dhaawac ka soo gaaray uu ugu geeriyooday Isbitaalka guud.

Wareegto ka soo baxaday Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen qoraalka ayaana u qornaa sidaan  : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2. Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal

3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

 

Goobjoog News