U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Sameeyay Magacaabis

Sheeko:Amniga

Siciid deni hoggaamiyaha maamulka Puntland oo sameeyay magacaabis ayaa waxa uu taliye ku xigeenka qeybta booliska gobalka Karkaar u magacaabay Gaashaanle sare Jaamac Cismaan Axmed.

Haddaba halkaan ka akhriso magacaabista uu sameeyay madaxweyne Deni

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 19ka April, 2020, ku magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Gobolka Karkaar.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/sare Jaamac Cismaan Axmed loo magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Goobjoog News