U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Shacabkiisa Ugu Hambalyeyay Munaasabadda Ciidul Adxaa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu Hambalyo ku aadan Munaasibadda Ciidul Adxaa u diray dhammaan umadda muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka reer Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha farxadeed awgeed loo baahan yahay inay is cafiyaan dhammaan umadda Soomaaliyeed , islamar ahaantaana laga farxiyo dadka danyarta ah iyo ubadka soo koraya.

“Illaah waxaan ka baryayaa in sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo Nabad gelyo, Horumar, Wadajir , Midnimo iyo inaan ka shaqeynno midnimadeenna iyo horumarkeena” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Maanta ayaa caalamka oo dhan looga dabaal degayaa munaasabadda maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Ciid Wanaagsan

Goobjoog News